Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caddaaladda ee Jubbaland ayaa sheegtay in horumarinta sharciyada iyo xeerarka dowladda ay muhiim u tahay xoojinta kala dambeynta, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo kor u qaadista adeegyada garsoorka.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa tilmaamay in dib-u-eegista sharciyada jira iyo sameynta xeerar cusub oo waafaqsan xaaladda maanta ay kaalin weyn ka qaadan karto horumarinta dowladnimada iyo nabadda gobolka.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.