Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda xaanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa ee dowlada goboleedka Jubbland ayaa waxaa ay xariga ka jartay xafiiso dheeri ah oo qalabeen lagu sameeyey wasaaradda.
Xaflad kooban oo lagu dhax qabtay gudaha wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid golaha wasiiradda Jubbland,gudoomiyaha gudiga xanaanada xoolaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo shaqaalaha wasaaradda.
Cabdinuur Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.