Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Jubbaland ayaa maanta 300 oo qoys guddoonsiisay ilaa 1,500 oo neef oo ari ah iyadoo halkii qoys ay fursad u heleen ilaa 5-neef oo Ari ah.
Qoysaskaan lagudoonsiinayay Ariga ayaa ah kuwo ay si weyn u saameeysay isbadalka cimilada iyo fataahadihii kadhashay daadadkii El-nino.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.