Wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland oo sheegay in wasaaradu ay wado wacyi galin ku saabsan in dadku ay ka faa’iidaystan dhaqashada xoolaha iyo tabcashada beeraha.

0
340
Kismaayo-(Idaacadda Waamo-Dadka Soomaaliyed oo intooda badan  lagu qiyaasa  inaay yihiin xoola dhaqato iyo beeraley hadana waa kuwa ugu badan ee cuna yari iyo abaaro soo laalabta maadaama aysan si wanaagsan uga faa’iidaysan xoolaha iyo cunooyinka ay beertaan .
Xoolaha oo ay bulshada soomaliyed aad u dhaqdaan ayaa leh faa’iidoyin badan oo ay ka mid yihiin caanaha iyo hilibka oo labaduba ka mid ah waxyaabaha isbadalo oo aan waqti badan oo li karin hadii aan loo helin meelo lagu kaydiyo .
Agaasimaha wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland  Maxamuud Nuur Cali oo ka hadlay cuna yarida iyo abaaraha ay dadka soomaliyed wajahaan sanad kasta ayaa bulshada soomaaliyed ugu baaqay inaay ka faa’iidaystan dhaqasgada xoolaha iyo tabcashada beeraha sido kale agaasimaha ayaa sheegay inaay jiraan xanuuno cusub oo xoolaha laynaya.
Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay in  wasaaradda xanaanada xoolaha ay wado qorshayaal lagu hirgalinayo mishiino lagu kaydiyo cunooyinka  aan waqti badan oo li karin ee is badala gaar ahaan kuwa xoolaha laga helo sida caanaha iyo hilibka .
Hamdi Mohamed Yasin ,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here