Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo joojisay lacagtii laga qaadi jiray ardeyda galeysa imtixaanka Qaranka

0
233
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in dowladda ay bixineyso kharashaadka imtixaanka qaranka islamarkana aan wax lacag ah laga qaadi doonin ardeyda sannadkan ka qeyb galeyna imtixaanka qaranka ee bilaaban doonaa 27-ka bishan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arintan looga gol leeyahay wax ka qabashada daruufaha ay waalidka Soomaaliyeed ay caruurtooda wax ku baraan.

Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here