Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kormeer ku tagay dugsiga Axmed Bin Xambal iyo iskuulka barwaaqo oo ka mid ah dugsiyada waxbarashad ee ku yaalo magaalada Kismaayo.
Agaasimaha ayaa waxa uu u kuur galayay sida ay u socdaan howlaha waxbarashada,isagoona agaasimaha si gaar ah ula hadlay ardeyda dhigata fasalka 12 ee uu ku soo wajahan yahay imtaxaanka qaranka waxa uu ardeyda kula dar daarmay in dadaalkooda ay sii laba jibaaraan.
Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.