Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Jubbaland oo xariga ka jartay Ceel-biyood

0
6

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland ahmed Xuseen Baraki ayaa xariga ka jaray ceel biyood loogu tala galay inay biyaha ka cabaan dadka dagan deegaanka ceeljaale 2 ee Duleedka magaalada Kismaayo.

Xarig jarka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland, Wasiirka Gadiidka iyo Duuliska Hawada Jubbaland, Gudoomiyaha Deegaanka Ceel Jaale 2, Xubno kasocday Wakaalada Biyaha Jubbaland, Hay’adihii ka caawiyey Mashruuca.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here