Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaaradda qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shirkii billaha ahaa la qaadatay Hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaanada Jubbaland,waxaana si gaar diirada lagu saaray kullanka sidii Hay’adaha uga qeyb qaadan lahaayeen meelaha ay daadadku saameeyeen iyo gaadhsiinta adeegyada bulshada dhamaan deegaanada Jubbaland.
Agaasimaha wasaarada qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa kullanka kadib warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa shirka.
R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.