Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo qabatay shir looga hadlayo fulinta mashaariic hormarineed

0
372

Dhuusa-mareeb(Idaacadda Waamo)Kulankaan  oo ay soo agaasintey Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ayaa ujeedadiisu ahaa sidii tashi looga yeelan lahaa fulinta mashruuca horumarinta Dhaqaalaha Dalka ee uu maalgalinayo Midowga Yurub oo guud ahaan Dowlad Goboleedyada Dalka u qoondeeysay in mashruucan ay ku baxdo lacag gaaraysa 83 Milyan oo Yuuro.

Kulankan oo ay ka qayb galeen Wasiiro, Wasiir-ku xigeenno iyo Agaasimayaal ka socda Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Howlaha guud, Ganacsiga,  Kallumeysiga, Shaqaalaha, Biyaha, Beeraha, Deegaanka iyo Qorsheynta oo hagida Howshani leh ayaa lagu diyaarinayaa Qorshaha Fulinta Mashruucan, iyadoo lawada qiimeynayo saameynta cudurka Caronavirus uu ku yeelanayo Dalka iyo dhaqaalihiisa.

Barre Maxamed Muuse Xiriiriyaha Xaafiiska Hagista Mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaarada Qorsheynta Galmudug ayaa sheegay in loo baahanyahay xilliagan in madaxda Wasaaraha ka qeyb galaya shirka inay la yimaadaan qorshe mid ah si loo fuliyo mashruucan.

Wasiiru dowlaha Qorsheynta ahna sii haya Wasiirka Wasaarada mudane Cabdiraxmaan Cusmaan oo ugu dambeyn ka hadley furitaanka kulanka ayaa muujiyay in lagama maarmaan ay tahay dajinta siiyaasad wax ku ool ah oo horseed ka noqota fulinta mashruucan si looga baaqsado saameynta cudurka COVID-19.

Kulankan oo soconaya mudo dhowr cisho ah waxaa sidoo kale ka qayb galayaya Xafiiska Hanti-dhowraha Galmudug oo qayb ka noqonaya ka baaraandagida qorshaha fulinta mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here