Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dadka ku nool Magaalada kismaayo ayaa waxay ku dhib qabaan helidda biyo ku filan,taasoo ay mararka qaar sababto in ay magaalada qeybo ka mid ah biyo la,aan noqoto,Waana caqabad aysan xamili Karin dadka danyarta ah ee ku nool magaalad Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta Biyaha & tamarta dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud oo wareysi gaar oo uu sinayay Idaacadda Waamo ayuu ku sheegay in ay Wasaaraddu ay waddo qorshe biyaha looga soo jiidaayo wabiga deegaanka yoontoy ee dhaca waqooyiga magaalada kismaayo.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.