Wasaaradda Macdanta ,Biyaha iyo Tamarta Jubbaland oo xaafado kamid ah Magaalada  kismaayo ka Dhagax Dhigtay  Ceel  biyood.

0
412

Kismaayo(Idaacada Waamo) masruucan ceelasha lugu qodayo ayaa muhiimad waayn ugu fadhiya dadka  ku nool xaafadaha midnimo iyo madiino kuwaas oo ay  ka jirto xaalad  biyo yari.

mashruucan biyaha loogu raadinayo labada xafadood ee madiino iyo midnimo ayaa ka kooban qodista ceelal biyood iyo haamo biyaha lagu kaaydiyo  .waxana mashruucan ceelasha lagu qodayo wasaaradda ka caawinaysa hay,ada  giz oo ah hay,ad laga leeyahay dalka jarmalka.

gudoomiyaha xaafada midnimo Kaliil Gaboow Cukaash  aya soo dhaweeyay mashruuca ay wasaaradda  macdanta,Biyaha iyoTamarta  jubbaland  Cabdirashiid  Maxamed DuCaale  ayaa kula dardaarmay dadka ku nool labada xafadood in ay ilaashadaan  ceelasha biyaha ee loo hirgalin doono.

R/W,xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here