Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyadoo tixraaceysa warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Jubbaland ujeedkeeduna ahaa diiwaangelinta hantida Dowladda waxay ku wargelineysaa dhammaan hay’adaha dowladda in la diiwaangelinayo hantida dowladda guurto iyo maguurtaba.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.