Wasaaradda Kallumaysiga Jubbaland oo farriin u dirtay Kalluumeysatada

0
48
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda kallumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee dowlad goboledka Jubbaland ayaa iskaashatooyinka kaluumaysata iyo Ganacsata keena shabaagta caaga ka samaaysan ee badmaaxiintu kalluunka bada ula soo baxaan ka wacyi galisay  qatarta shabaagta caaga ah ee kaluumaysatadu bada dhigtaan u gaaysato xayawaanada kala duwan ee bada ku jira .
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumaaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee Jubbaland Maxamed Cumar Buuni oo ka warbixiyay shaqooyinka wasaaraddu qabato  ayaa sheegay in iskaashatada kaluumaysiga iyo ganacsatada ay kala hadleen inay joojiyaan shabaagta caaga ah taas oo dhiibaato badan u gaysata xayawaanada kala duwan ee bada ku jira.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here