Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Naas nuujintu waa xaq dabiici ah oo ilmaha lagu siiyo cunto iyo difaac. Cilmigu wuxuu caddeeyay in naas nuujinta 6-da bilood ee ugu horreysa ay ilmaha siiso dhammaan nafaqooyinka uu u baahan yahay, laguna xoojiyo difaaca jirka si uu uga hortago cudurrada.
Hooyada naas nuujisa waxay iyaduna ka faa’iideysataa, iyadoo jirkeeda si dhakhso ah ugu soo laabanaya xaaladdii caadiga ahayd ka dib dhalmada, sidoo kalena ay hoos u dhacdo khatarta cudurrada qaar sida kansarka naasaha iyo ilmo-galeenka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.