Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland oo shir la qaadatay Ganacsatada kismaayo

0
276

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shirkaan oo u dheyeexay wasaaradda ganacsiga Jubbaland iyo Ganacsatada Magaalada kismaayo ayaa ku saabsanaa sidii ganacsiga Jubbaland loo horumarin lahaa.

Waxaana Madasha  ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland,Hay,adda taya dhowrka Jubbaland, Wasaaradda ganacsiga Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo qaar ka mid ah ganacsatada Degmada Kismaayo.

Shirka intii uu socday waxaa lagu falanqeeyay sidii gacansiga Jubbaland lagu hormarinlaha waxaana la isla gartay in badeecooyinka ka soo daga Dakadda Magaalada Kismaayo aysan soo galin gudaha Magaalada,ayna Hay’adda taya dhowrka Jubbaland hubiso tayadooda sido kalana waxaa laga wada hadlay caqabadaha ganacsatada haysta iyo sidii loo suuq geyn lahaa wax soosaarka dalka.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here