Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Ceynte, ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhallinyarada iyo ciyaaraha guud ahaan deegaannada Hirshabeelle.
Wasiir Maxamed Ceynte ayaa xusay in muddooyinkii u dambeeyay la gaaray guulo la taaban karo, gaar ahaan dhanka dhismaha garoomada iyo xarumaha dhallinyarada.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.