Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Magaalada kismaayo ayaa waxaa maanta ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Jubbaland ka daah-furtay qorshaha xoojinta dhalinyarada Dowlad goboleedka Jubbaland sandka 2020 ilaa 2024.
Kullanka daahfurka waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiinta Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, wasiiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada Jubbaland,Agaasimaha wasaarada qorshaynta Jubbaland, Xildhibaano iyo Qaar ka mid ah hay’adaha Wasaaradaha kala shaqeeyo Horumarinta dhalinyarada.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.