Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo kawarbixisay tartanka Ciyaaraha Jubbaland

0
15
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo waxaa si habsami leh uga socdo tartanka ciyaaraha horyaalka heerka 1-aad ee Jubbaland kaas oo ay ka qeyb galayaa ilaa 6 kooxood oo kala duwan.
kooxaha ka qeyb galaya waxaa kamid ah JCCI, JBC, DEKADAHA, DOWLADDA HOOSE KISIMO IYO SOM GOLD dhamaan lixdaasi kooxood ayey mid walba dooneysaa ku guuleysiga horyaalka, maadaama sanadkaan kooxda qaado horyaalka lagu abaalmarin doono safar ay ku gaaranayaan deegaanada Puntland oo ay halkaasi kula soo ciyaari doonaan kooxda qaado horyaalka heerka 1-aad ee Puntland.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here