Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xilli Roobka Guga uu ka da’ayo qeybo badan oo ka mid ah dalka,ayaa waxaa soo baxaya digniino ku aadan sidii bulshada ay uga feejignaan lahaayeen dadka degan hareeraha Wabiga.
Cabdi Xakiin Kediye La taliye ka tirsan Wasaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Jubbaland ayaa ka hadlay Fataahadaha laga cabsida qabo in ay dhacaan iyo saameeynta ay keeni kaaraan.