Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Iyadoo ay dhawaanahan Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska ka wada dhir-beeris magaalada Kismaayo waxayna sidoo kale dadka danta yar ee ku nool ay qaarkood siisay Burjikooyin ay ku karsadaan raashinka taasoo looga golleeyahay sidii lagu yareen lahaa jaridda dhirta.
Waxayna Wasaaradda Burjikooyin ka keentaa dalka Kenya,taasoo ay sheegeen in ay hadda wadaan qorshaha lagu tababaraayo dad soo saara Burjikooyin si’ looga maarmo in dalka dibaddiisa laga keenay.
Cabdinuur Sabriye ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.