Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Manaasabadaan oo lagu dhiira galinayay 21 haween oo la yimid hal abuur ganacsi ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Degaanka iyo dalxiiska dowlad goboledka Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda iskaasiga Jarmalka ee GIZ.
iskaahata haweenka Barwaaqo Women group oo ay horay wasaaraddu u taba bartay maanta loo qabtay kulanka dhiira galinta ah ayaa soo saara adeegyo kala duwan oo ay ka sameeyaan dhirta dabiici ah ee dalkeena ka baxda ku waas oo isugu jira saliido dabiici ah noocyada kala duwan ee dirta shaaha lagu darsado iyo adeegyo kale .
Manaasabadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha 1,aad ee Dolad goboledka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan Wasiiro ,Hay’adda GIZ iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana madasha lagu soo bandhigay wax soo saarka haweenkaan iskaashatooyin ah.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.