Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Beerista dhirta waxay sabab u noqotaa in la dareemo saxansaxo udgoon oo caafimaad qabta.
Dhirtu waa hu’ga dhulka iyo quruxda deegaanka waxayna inoo leedahay waxtar aad u badan .
Saynib Rashiid Cige agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa bulshada ugu baaqday in ay ka qeyb qataan hormarinta Deegaankooda oo ay ka ilaaliyaan waxyabaha bilicada xumeeyn kara.
Cabdinuur Sabriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.