Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland oo deegaanka Goobwayn ka dhagax dhigtay goob lagu barbaarin doono dhirta la abuuro

0
368

Goobwayne(Idaacadda Waamo)Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Jubbaland  mudane Caydiid Saleebaan Xaashi oo kormeer shaqo ku tagay deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose ayaa halkaasi ka dhigax dhigay beer lagu kobcin doono dhirta taasoo qayb ka ah dib usoo celinta dhirtii dabar go’day muddadii uu dalku burburka ku jiray.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan wasaarada dalxiiska iyo deegaanka Jubbaland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa qorshuhu yahay in dib loogu soo celiyo dhirtii la dhabar jaray ee dhaxalka u ahayd waddanka, waxaana dhirta halkaan lagu abuuro lagu dhireyn doonaa deegaanada kala duwan ee Jubbaland.

Cabdiraxiim Deeq Muuse,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here