Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta Jubbaland oo Agab dhisme geeysay Masaajidka Jaamac Kabiir oo laga dhisayo Kismaayo

0
264
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Goobaha Cibaada ayaa ah kuwa ugu mudan in laga shaqeeyo horumarintooda waxaana maalin maalinta ka danbaaysa Magaalada Kismaayo laga dhisaara Masaajid Cusub iyo kuwo kale oo dib u dayactir lagu sameeyo .
Wasaaradda Cadaalada Owqaafta iyo arimaha Diinta dowlad goboledka Jubbaland oo doorkeeda ka qaadanaysa horumarinta goobaha cibaadada ayaa maanta shamiito gaaysay Masjidka Jaamac kabiir oo laga dhisayo xaafada laba suule ee Magaalada Kismaayo kaas oo uu dhismihiisu marayo heer gabogobo ah .
Xarunta uu ka socdo dhismaha Masaajidka ayaa lagu qabtay Munaasabad kooban oo ay shamiitada kula wareegayeen Gudiga gacanta ku haya dhismaha masaajidka waxaana goob Masuuliyeen ka Socday wasaaradda Cadaalada iyo arimaha diinta oo uu ugu horeeyo wisiirka Wasaaradda .

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here