Wasaaradda Cadaaladda  oo Muqdisho  ka furtay siminaar ku saabsan habraaca sharci qorista

0
361

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoobka sharciyada dalka.

Tababbarkan oo socon doono muddo labo cisho ah, isla markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda, Hay’adaha Madaxa Banaan, Xafiiska Xeer illaalinta Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Taliska Ciidanka Asluubta, Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka, Jaamacadaha Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ayna uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u yeelan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here