Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Macalimiin ay tiradoodu gaarayso 350 Macalin oo wax ka dhiga Dugsiyada Qur`aanka Kariimka ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta Wasaaradda Cadaalada owqaafta iyo arimaha Diinta Jubbaland iyo Wasaaradda Cadaalada Soomaliya waxaa ay u soo xirtay Tababar lagu baranayay sida ugu wanaagsan ee ay macalimiintu ula tacaamuli karaan ardayda ay wax baraan.
Munaasabada Xiritaanka tababarkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada owqafta iyo arimaha Diinta Jubbaland qaar ka mid ah Culimada Magaalada Kismaayo iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaalada dowlada fedaraalka Soomaliya.
Xamdi Maxamed Yaasin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.