Wasaaradda Caafimadka Jubbland oo si rasmi ah u bilowday Tallaalka Covid-19

0
280
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxaa  magaalada Kismaayo si rasmi ah ugu bilowday qaadashada  talaalka caabuqa Safmarka ah ee covid-19 kaas oo ay daah furtay wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboledka Jubbaland.

Tallaakaan oo maanta bilowday ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona 30kun oo qof ku waas oo ku nool degaanada kala duwan ee Dawlad goboledka  Jubbaland .

Qadashada tallaalka Covid-19 ayaa loo qorsheegay dadka ay da’doodu ka wayntahau 50 sano iyo dadka la nool xanuunada halista ah  sidoo kale waxaa tallaakan qaadan doona  dadka ka shaqeeya xarumaha Caafimaadka,ciidamada iyo dadka ka shayeeya meelaha Magaalada laga soogalo sida garoonka diyaaradaha iyo Dakada Magalada Kismaayo sida uu sheegay Madaxa Talaaka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here