Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Dr Ismaciil Axmad Garas ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la hirgelin doono xarumo caafimaad oo cusub oo laga dhisayo deegaanada dhaca waqooyiga Kismaayo.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradu ugu jirto ballaarinta adeegyada caafimaad ee loo fidinayo bulshada, si loo xaqiijiyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.