Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo xarun Caafimaad ka dhagax dhigatay deegaanka Janaa Cabdalle

0
44
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Janaa Cabdalle waxaa maalmo ka hor gaaray wafdi uu hogaaminaayey Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland, waxaana wafdigaasi kamid ahaa Wasaarado kala duwan oo mashaariic kala duwan ka dhagax dhigay deegaankaasi, Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa kamid aheyd waxaana deegaankaasi ay ka dhagax dhigatay xarun cusub oo ay ku shaqeyn doonto.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Jubaland Abshir Maxamed Cabdi ayaa dhagax dhigay xarunta ka sheegay in si degdeg loo hirgalin doono. iyadoo la rajaynayo inay daboosho baahida caafimaad ee ka jirta deegaanka Janaa Cabdalle iyo nawaaxigiisa.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here