Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo qabatay kulan looga doodayo Horumarinta Caafimaadka 

0
260
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankan ay qabatay Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboledka Jubbaland  oo socan doona mudo saddex  cisho ah ayaa looga hadlayaa xaaladaha Caafimaad ee dalka gaar ahaan heerarka kala duwan ee Jubbaland.
Kulanka  Maanta intii uu socday ayaa looga doodayay sida ugu fudud ee lagu helikaro adeegyada  Caafimaad ee dag-daga ah  waxaana goob joog ka ahaa, Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka ee dowlada fedaraalka Soomaaliya,Hay’adda UNISE iyo  mas’uuliyiin kale , waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xubno ka kala socday xarumha Caafimaadka Magaalada Kismaayo.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here