Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka daah furtay tallaalka xanuunada Jadeecada iyo Dabeesha 

0
366
Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaaradda Caafimaadka ayaa si rasmi ah u daah furtay tallaalka ka hortaga xanuunada jadeecada iyo dabeesha tallaalkan ayaa ah mid la qorsheenayo in lagu ciribtiro labada cudur oo sameyn ku leh dalkena soomaliya
Daah Furka Tallaalka Waxa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose masuliyiin ka socday maamulka wasaarada caafimaadka jubbaland iyo Qeebaha kala duwan ee bulshada kismaayo
Cadow Buraale oo ka mid ah culumaa’udiinka kismaayo iyo nabadoon Salaad Maxamed Cusmaan ayaa Bulshada Deeganada Jubbalnad Faray iney ka faa’ideystaan Tallaalka Jadeecada iyo Daweesha si loga hortago xanuunadan saameenta ba’an leh
Hodan Muuse Maxamed Madaxa Waaxda wacyi galinta degmada kismaayo ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland aya bulshad degmada kismaayo fartay in tallaalkani ay ka faa’ideystaan
Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Jubbada hoose Cabdirshiid  Cabdulaahi Ali Gooni ayaa Shegay in qeebo ka mid ah gobalka jubbada hoose uu ka dilaacay xanuunka jadeecada uuna tallaalka uu ku soo beegmay xili ay bulshada u baahatahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here