Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah maamulka Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.
Gawaaridan, oo laga soo iibiyey mashruuca Damal Caafimaad, isla markaana ay fududeysay Hey’adda Save the Children ayaa loogu talagalay inay kor u qaadaan tayada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.
Wasaaradda Caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 60 xaruumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan iyo Isbitaalada degmooyinka Matabaan, Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Moqokori, kuwaas oo dhammaantood bixiya adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.
Adeegyada Caafimaadka ee gobolka waxaa ka shaqeeya in ka badan 500 shaqaale, oo ay ka mid yihiin dhaqaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,300,000 qof oo isugu jira caruur, haween, waayeel, barakacayaal, iyo reer guuraa ayaa ka faa’iideystay adeegyada bilaashka ah ee gobolka.