Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Jubbaland ayaa agab muhiim ah oo loogu talagalay kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha ku wareejisay beeraleyda ku nool deegaanka Buulo-Bartire, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo.
Munaasabadda wareejinta agabkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, maamulka deegaanka iyo qaar ka mid ah beeraleyda, ayaa lagu muujiyay sida ay dowladda goboleedka Jubbaland ay uga go’an tahay taageeridda beeraleyda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ku xeeran wax-soo-saarka gudaha.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.