Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo daah-furay diyaarinta seddax istiraatiijiyadood oo muhiim ah

0
34
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa  Muqdisho ka daahfuray diyaarinta seddax istiraatiijiyadood oo muhiim u ah shaqooyinka Wasaaradda, kuwaa oo kala ah istiraatiijiyada hormarinta beeraha, istiraatiijiyada Waraabka iyo istiraatiijiyada cuntada iyo sugnaanteeda.
diyaarinta istiraatiijiyadahan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha iyo midowga yurub ayaa waxaa munaasabadda lagu soo bandhigaayey qeyb ka ahaa Wasiiradda Beeraha iyo xanaanada Xoolaha XFS iyo qaar kamid ah Wasiiradda Beeraha dowlad goboleedyada dalka, ,madax ka socotay midowga yurub iyo quburo kala duwan.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here