Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Jubbaland, Ayaanla Xussen Maxamad, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha kaydka shidaalka ee magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kormeerkan ayaa waxaa Agaasimaha ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, iyadoo ujeedadu ahayd qiimeynta xaaladda shaqo ee xarumaha shidaalka, heerka fayadhowrka deegaanka, iyo u diyaarsanaanta xaaladaha degdegga ah.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.