Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Dagmada Kismaayo ku wareejisay qalab looga hortagayo Caronavirus

0
296
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Qalabkan loga horta tagayo cudurka Karoona Fayris ayaa waxa maanta lagu wareejiyay Maamulka Dagmada Kismaayo, waxaana qalabkaan ku wareejisay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Qalabka ayaa isugu jiro saabuuno , face mask , Gloves ,Madashii lagu wareejinayay qalabka waxa goob-joog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka Jubbaland , Agaasimaha Wasaaradda Aarimaha Gudaha Jubbaland  iyo Masuuliyiin ka socday Maamulka Dagmada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here