Wasaaradda arrimaha gudaha, fedraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland oo soo bandhigtay Buug ka hadlaya baahiyaha ka jira degmada Kismaayo

0
512

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboledka Jubbaland ayaa ku saabsanaa soo bandigasta iyo ansixinta  Buug ka hadlaya baahiya iyo Caqabadaha  kajira Degmada Kismaayo .

Buugaan oo ay qoristiisa qalinka u qaateen qaar ka mid ah bulshada Degmada Kismaayo ayaa loo soo bandhigay Hay’adda Caalamiga ee ka shaqeeya arimaha sama falka ‘u jeedka loo qoray buugaan ayaa ahaa in ay daryeel helaan dadka barakacayaasha ah  Kismaayo ku nool .
Kulankan oo ku Qabsoomay aalada fogaan araga ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timah jilic) ,Agaasimaha Wasaaradda arimaha gudaha ,Masuuliyiin ka socday Hay’adda sama falka ,iyo qaar ka mid ah bulshada Rayidka ah.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here