Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dabaal degtay Sannad-Guuradii 25aad ee EAC

0
22

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u dabaal degtay Munaasabada sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ururka Bulshada Bariga Afrika, munaasabada ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, Wakiilo ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed, Madax ka socotay Ururada Bulshada Rayidka, iyo qaar kamid ah Ardaydayda Jaamacadaha Dalka, iyagoo dhamaantood hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika iyo sida ugu haboon ee ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here