Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee Jubbaland ayaa maanta magaalada kismaayo kusoo bandhigtay buugga siyaasadda maareenta shaqaalaha dowladaha hoose & xeer nidaamiyaha shaqaalaha dowladaha hoose kaas oo sida ay wasaaraddu sheegtay in mudo ahba laga soo shaqeenaayay.
Munaasabada waxaa goobjoog ahaa madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland mas’uuliyiin katirsan labada gole ee dowlada maamulka degmada kismaayo odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.