Wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland oo kulan la qaadatay Hay’adaha ka howlgala Jubbaland

0
402

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha ka howlgala degmada,maamulka degmada,mas’uuliyiin iyo marti Sharaf kale.

Barnaamijkaan oo loogu magac daray xalka waara,islamarkaasina looga
arinsanayay arimaha barakacayaasha ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada
Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf (Tima-jilic) wuxuuna ku baaqay in il gaar
ah lagu eego dadka barakacayaasha ah.

Agaasimaha Wasaaradda arimaha Gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa
ugu dambeyn faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii kulanka diirada lagu saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here