Wasaarada kaluumeysiga Jubbaland oo lagu wareejiyay Mashaariic ay HIrgelisay Hay’ada GIZ

0
347
Kismaayo(Waamo Radio)Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheeyraadka bada doowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu wareejiyay mashaariic laga hergeliyay xeebaha Calanleey iyo Kiboora,kuwaasi oo loogu talagalay in bad maaxayaasha iyo kuwa ka ganacsada kaluunku ay ku kala iibsaadaan gooban la dhisay,islamarkaasina ayaa laga shaqeeyay goobtii wareejintu ka dhaceeysay in si wanaagsan loo ilaaliyo nadaafadooda.

Haweenka ka ganacsada kaluunka ee xeebaha Kismaayo ayaa sharaxay agabyada lagu wareejiyay iyo muhiimada ay u leeyihiin Shaqadooda oo waqti dheer kusoo jireen.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland oo goob joog ka ahaa wareejinta mashaariicdaan ay hergelisay Hay’ada GIZ ayaa u mahadceliyay Hay’ada mashruucan iyo wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka bada Jubaland.
Wasiirka wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka bada Jubbaland Ibraahim Cabdi ayaa dhankiisa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay hergelinta mashruucan muhiimka u ah kaluumeysata kala gedisan ee xeebaha Kismaayo.
Waxaa Warbixiin inoo soo jeedinaya,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here