Wasaarada kaluumeysiga iyo kheyrad bada Jubbaland oo agab u qeybisay dad barakacayaal

0
418

Kismaayo(waamo Radio)Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka bada Jubbaland ayaa doomo iyo agabka lagu keydiyo Kaluunka ku wareejisay barakacayaal iyo ganacsato yaryar oo shaqo abuur loogu sameeynayay.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Badhaadhe ayaa mahad celin u jeediyay wasaarada kaluumeysiga iyo kheyraadka bada Jubbaland,waxaana uu sheegay in la soo gaadhsiiyay doomo iyo agabyo kale.
Xildhibaan Hiraad Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah gudiga kaluumeysata ayaa dhankiisa wasaarada uga mahad celiyay qalabkan ay wasaarada siisay dadkan danyarta ah.
Wasiirka wasaarada kaluumeysiga Jubbaland Ibraahim Cabdi ayaa kula dardaarmay dadkii loo sameeynayay shaqo abuurka in ay xafidaan agabka loo qeybiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here