Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland oo koob gudoonsiiyay gabdhihii ku guuleystay tartankii kubadda koleyga degmada Kismaayo

0
511

Kismaayo(Waamo Radio)Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa soo gabagabeysay tartanka kubada koleyga ee degmada Kismaayo,waxaana tartanka loo qabtay gabdho kala matalayay xaafadaha magaalada Kismaayo,waxaana ku guuleystay hanashada Koobka kooxda mataleysay xaafada Farjano.

Qaar ka mid ah gabdhahii ka qeyb galay tartanka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin tartanka islamarkaasina loo qabto marwalba tartano noocan oo kale ah.
Muxubo Cartan Muuse gudoomiyaha kubadda koleyga Jubbaland ayaa ka sheekeysay dhankeeda muhiimada kubada koleyga iyo halkii ay ka soo bilowday.
Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa bogaadin u jeediyay gabdhihii ka qeyb galay tartanka kubadda koleyga,wuxuuna sheegay in wasaaradu ay haatan qorsheeneyso in gabdhuhu ay helaan garoomo iyaga u gaar ah.
R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here