Wasaarada Caafimaadka Jubbaland oo la wargeetay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Xaafada Midnimo

0
468

Kismaayo(Radio Waamo)Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa dib u habayn iyo qalabaynba ku samaysay Mac-hadka Tababarka Umulisooyinka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland kaas oo ay Wasaaradu u horey uga hirgalisay magaalada Kismaayo.

Cabdirashiid Maxamed Caafi oo ka socday Hay’ada Mercy corps ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dadkii ka qeyb  qaatay herglinta Isbitaalka.

Siraad Maxamed Cali oo ka mid ah madaxda Hay’adda GIZ ayaa dhankiisa u mahadceliyay Hay’adda Mercy corps iyo Injineeradi ka soo qeyb qaatay dhismaha xarunta Isbitaalka.

Wasiirka wasaarada caaimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif ayaa u mahad celiyay Hay’adihi ka qeyb qaatay hergelisnta Isbitaalka,wuxuuna sheegay in uu mihiim u yahay Isbitaalka bulshada deegaanka.

Machadkaan ayaa loogu talagalay in lagu tababaro Dumarka doonaya in ay meel sare ka gaaraan Xirfadda Umulisanimada si ay wax badan uga qabtaan arrimo badan oo la xiriirta Hooyada iyo Dhalaanka.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here