Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Qorshahaan hubinta Daawooyinka yaallo Xarumaha Caafimaadka ee Degmada Kismaayo ayaa looga golleeyahay sidii Hay-adaha Caafimaadka ee Ku deeqa daawoyinka loogu gudbin lahaa,Dawooyinka loo baahan yahay si meesha looga saaro daawooyinka badan oo aan la isticmaalin oo ay dalka Keenan qorshahaan ayaa wuxuu kawada fulayaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka.
wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboledka Jubbaland Ayaa Qiimeeyntaan Ka sameeysay xaruumaha Caafimaadka ee Ku yaal Xaafadaha Degmada Kismaayo iyo Iisbitaalka guud ee Kismaayo.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay