Warrarkii ugu dambeeyey shilkii diyaaradeed ee dalka Brazil

0
76
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Diyaarad nooca rakaabka qaada ah ayna la socdeen rakaab dhan 61 qof ayaa ku burburtay gobolka São Paulo ee dalka Brazil.

Diyaarada oo ahayd nooca labada mator laha ah ee ‘Turboprop- ayaa ka soo duushay magaalada Cascavel ee koonfurta Paraná kuna sii jeeday gegida diyaaradaha ee Guarulhos ee magaalada São Paulo, ka dibna waxay ku dhacday xaafado la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Vinhedo sida ay sheegtay shirkada Voepass airline.

Muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad oo si toos ah u soo dhacaysa, iyadoo ruxmaysay marka ay soo dhacaysay.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa ATR 72-500 ayaa waxaa saarnaa 57 rakaab ah iyo afar shaqaale ah. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka.

Saraakiishu ma aysan sheegin magacyada dadka saarnaa iyo inay ku jireen dadkaasi ajnabi iyo in kale.

Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha.

Guddoomiyaha gobolka São Paulo, Tarcísio Gomes de Freitas, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah.

Maamulka ayaa sheegay in qalabka duuba macluumaadka duulimaadka la soo saaray. ATR, oo ah shirkadda ay leeyihiin dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga oo samaysa diyaaradaha ayaa sheeegtay inay ku biirayaan baaritaanadda.

Inkasta oo diyaaradu ku dhacday xaafado la deggan yahay haddana ma jirto sida maamulku sheegay cid wax ku noqotay halkii ay ku dhacday.

Saraakiishu waxay sheegeen in hal guri oo ku yaalla aaga diyaaradu ku dhacday uu burburay.

Muuqaalka baraha bulshada lagu faafiyey wuxuu sidoo kale muujinayay dhul ballaaran oo dab ka kacay. Booliska iyo dabdamiska ayaa goobta gaary si dabka kacay loo damiyo.

Sida laga soo xigtay bogga raadraaca ee Flightradar24, diyaaradda waxay ka duushay Cascavel 11:56 waqtiga maxalliga ah basle digniintii ugu dambaysay ee laga helay diyaaradda waxay ahayd saacad iyo badh ka dib duulimaadkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here