Warka Habeennimo Radio Waamo Ee Magaalada Kismaayo

0
532

Dadka ka ganacsada Khudaarta ee magaalada Kismaayo oo sheegay in Bulshada Jubaland ay Fahmeen Faa,iidada Khudrada ay uleedahay ee Dhanka Caafimaadka ah 
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada hoose ayaa waxaa laga helaa Khudaarta noocyadeeda kala duwan,taasoo laga keeno deegaanada Gosha ee waqooyiga magaalada Kismaayo,Bulshada Kismaayo oo aan aad ufahamsaneyn Faa,iidada Khudaarta ayaa iminka ku baraarugtay cunista Khudaarta sida ay inoo sheegeyso Nasro Maxamed Hajir oo ka mid ah dadka ka ganacsado Khudaarta ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Saxane Cabdi Aadan oo ka mid ah dadka ka ganacsado Khudrada gaar,ahaan Qaraha ayaa dhankiisa Qiimaha ay leedahay Khudaarta gaar,ahaan Kharaha oo uu isaga iibiyo. Magaalada Kismaayo ayaa waxay Khudaarta uga kala timaadaa Kenya iyo deegaanada Dhaca Gosha,iyadoona ay hakad ku yimaadaan xili roobaadya

Carruurta Ku Nool Magaalada Kismaayo ee Ku Shaqeeysata Xirfada Caseeyaha Ama Baalashlaha oo Aan Helin Wax Barasho Ku Filan 

Carruurta Dan yarta Ah oo Ku nool dalkeena Soomaliya Ayaa Qaar kood Waxa ay ku Shaqeystaan Xirfada baalashlaha ama caseeyaha Taasi oo ay ku Mareeyaan Naftooda iyo Qosas kooda Carruutan ayaa qaar Kood aan helin Wax barasho ku filan waxaana ay yihiin kuwa mar walbo u shaqeeya qooskooda iyagoona lagu arko goobaha maqaayadaha iyo suuqyada ay bulshada iskuugu timaado taasi oo jirto awgeed

Waxaan booqanay goobaha carruurtaasi kabaha ku caseeyaan ee magaalada kismaayo si aan wax badan ugu ogaano xaalada dhabta ah ey ku nool yihin caruurtaasi waxayna inoo sheegeen in dan iyo daruuf ku qasabtay in ay kabaha baalashaan iyagoo qeer kood ay wax baranayaan waa ku wan iyagoo inoo faafahinaya qiimaha ay ku balashaan kabaha iyo wax yaabaha ay kala kulmaan bulshada kala duwan oo ay la kulmaan maalinti

Qaar ka mid ah carrutan caseeyayaasha ah hoyga ay waalidiintoda ka dagan yihiin magaalada Kismaayo wxayna sheegen in ay jacel yihiin waxbarashada carruurtooda Lakiin aysan awoodin lacag ay wax ku baraan Waalidiinta dhallay Carruuntan Caseeyayaasha ah ayaa Cod sanaya in garab lagu siiyo Wax barashada Carruurtooda Dada’yar oo Hami u Haayo In ay mar Un wax bartaan

Madasha Maan-kulan oo qabatay kulan looga hadlaayey maareynta wakhtiga

Madasha Maan-kulan oo ah madal ay ku mideysan yihiin dhalinyaro Aqoonyahano ah ayaa qabatay barnaamij dhaxal gal ah oo looga hadlaayey maareynta wakhtiga.

Dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa kasoo qayb galay barnaamijkaan muhiimka ah.

Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed Agaasimaha Talefiishinka Jubbaland ayaa soo jeedinaayey Barnaamijka maareynta wakhtiga oo muhiimaddiisu ahayd in dhallinyarada lagu wacyigeliyo ka faa’iideysiga wakhtiga.

Intii barnaamijyo socday waxaa la is wayddiiyey su’aalo badan, waxaana laga dooday sida ugu macquulsan ee looga faa’iideysan karo wakhtiga.
Dhalinyaradii barnaamijka kasoo qayb gashay oo isla qiray muhiimadda wakkhtiga ayaa isla qaatay in bulshada lagu baraarujiyo ka faa’iideysiga wakhtiga

Bartan hoose ka dhageyso

https://www.facebook.com/Waamradio/videos/578433065972133/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here