Warbixin:Maalinta Magaalooyinka Adduunka

0
399

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa 31ka Oktoobar u asteeyey Maalinta Magaalooyinka Adduunka,waxan  laga filayaa inay si weyn u dhiirrigeliso xiisaha bulshada caalamka ee magaalaynta adduunka.

Wadamada qaar ayaa horay u sii wadista iskaashiga u dhexeeya waddamada sida fursadaha iyo wax ka qabashada caqabadaha magaalaynta si ay si wada jir ah uga wada qayb qaataan  horumarinta magaalooyinka.

Bulshooyinka maxalliga ah ayaa door muhiim ah ka qaanaya ka qayb qaadashada ilaalinta dadka iyo hawlaha dhaqaalaha qaarkood guud ahaan bulshada soomaaliyeed waxa ay kamid yihiin dadka doonaya in ay wax badan ka badalaan xaaladaha magaalooyinkooda.

UN-Habitat Warbixinteedii ugu dambeeysay ee Magaalooyinka Dunida wuxuu xoojinayaa faa’iidooyinka magaalooyinka iyo kaqeyb galka dhammaan daneeyayaasha, oo ay kujiraan bulshooyinka maxalliga ah si loo kobciyo magaalooyin waara.

Bulshada waxaa loga bahan yahay in ay qeyb ka qataan shaqo abuurka , gaarsiinta adeegyada muhiimka ah bulshada iyo hubinta isbeddel dhaqaale ee dunida si loga qeyb qaato hormarinta magaaloyinka

Cabdinuur Sabriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here