Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Wacyigelinta Ku Xadgudubka Waayeelka Adduunka waxaa la bilaabay Juun 15, 2006 oo ay soo saareen Shabakadda Caalamiga ah ee Ka Hortagga Xadgudubka Waayeelka iyo Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay.
Inta udhaxeysa 2019 iyo 2030, tirada dadka da’doodu tahay 60 sano ama ka weyn waxaa la saadaalinayaa inay gaaraan 38%, laga bilaabo 1 bilyan ilaa 1.4 bilyan, adduunka oo dhan ayaa ka tiro badan dhalinyarada,
Inkasta oo aysan dalkeena soomaaliya aysan ka jirin hay,addo ama dowlad si gaar lacag ugu qorsheysa dadka waayeelkaa hadana waa wax baahi weyn loo qabo in lasameeyo dadka waayeel hada waxaa ay noloshoodu ku tiirsan tahay carruurtooda ama ehelkooda, mararka qaarna waxaa dhacda dayac ay ka cabtaan dadka waa weyn.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.