Warbixin:Maalinka Raadiyaha Adduunka oo maanta ku beegan

0
125

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-World Radio Day – February 13, 2022
Maalinta Raadiyaha Adduunka ayaa maanta oo kale loo dabaaldegaa sanad kasta.sandkaan 2022 waxaa uu kusoo beegmay sanad uu shaqo badan qabtay raadiyuhu maadaaba uu dinida uu ka dilaacay cudurka ‘Covid-19’, Raadiyahuna waxaa uu kaalin muuqta kaqaatay sidii ay dadku loo wacyi galin lahaa.
Idaacad walba ayaa loo baahan yahay in soo badhigto waxyaabihii ay dadka ubaahisay wixii ugu xiisaha badnaa waaxana inta badan sanadkaan lagu qaadanayaa sida ay kaalin fiican uga qaateen idaacaduhu horumarinta Caafimaadka iyo wabarashada intii lagu guda jiray waqtiga uu dalka ka jiray Cudurka faafay ‘Covid-19.
Wadamada uu ka dilaacay cudurkaan ‘Covid-19’,ayaa waxaa kamid wadankeena Soomaaliya waxana uu saameyn xoogan ku yeeshay waxbarashada,isku socodka dadka iyo Caafimaadka si arintaan hadaba wax looga qabto ayuu raadiyuhu uhowlgalay si ay dhalaan badan oo tagi waayay goobaha waxbarashada ay uheli lahaayeen Casharadooda, waxaa uu sidoo kale sanadkaan baahiyay raadiyuhu fariimo la xariira sidii ay dadka xanuunkaan isaga ilaalin lahaayeen maadaaba uu xoowli dunida ugu fidayay.
Maalinta Raadiyaha Adduunka waa maalin caalami ah waxaana la xuso 13 Febraayo sanad kasta. Maalinta waxaa go’aamisay UNESCO 3dii Nofeembar 2011 intii lagu jiray shirkii 36aad.
Sannad kasta Maalinta Raadiyaha Adduunka, khubarada ku xeel dheer arimaha warbaahinta ayaa si wada jir ah ugu soo biira si ay uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa bulshooyinka go’doonsan.

Maalinta Raadiyaha Adduunka waxay hubisaa in qof walba, iyadoo aan loo eegin nuuca ay tahay noloshiisu ay uu heli karo macluumaadka ku filan,dalka Soomaaliya waxaa ka jira maanta idaacado Bulsho kuwaas oo dadka ugu qabto adeegyada ay rabaan si lacag la,aan ah Waxaana jira qaabab badan oo lagu helo warar, Barnaamij iyo madadaalo. Waxaadna idaacad si lacag uga heleysaa gaarigaaga, makhaayada iyo goobo badan oo kale.

Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here